Dagaal culus oo goor dhow ka qarxay degmada Balcad ee gobolkla Sh/dhexe

Dagaal ayaa goor dhow oo fiidnimadii caawa ah ka qarxay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kaasoo u dhexeeya ciidamada dowlada, AMISOM iyo xoogaga Al-Shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in laga cararay bartamaha degmada kadib markii xoogaga Al-shabaab ay mar kaliya dhowr jiho ka soo weerareen.

Rasaas kala nooc ah iyo qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlayaa gudaha iyo hareeeraha degmadaas, iyadoo dadweynaha ay la soo derisrtay cabsi, khal khal iyo jahwareer xoog leh.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka socda xarunta degmada balcad iyo agagaarka xaruntii hore ee Warshadda dharka Balcad sida wararku nagu soo gaarayaan.

Ciidamada AMISOM ee degmadaas ku sugan ayaa iyana ka ridaya xeryahooda hub aad culus, waxaana guud ahaan cakiran xaalada degmada Balcad oo rasaastu ay tahay mid meel walba ka dhaceysa.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, mana jiro war la xiriira oo illaa hadda ka soo baxay maamulka degmadaas, iyadoo aysan aheyn markii ugu horeysay ee sidan oo kale xili habeenimo ay Al-shabaab weeraraan degmada Balcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -